Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ex-koontarool Afgooye

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ex-koontarool Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Maamulka Puntland wuxuu uga tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la daalaa-dhacaayey noloshooda, una boogadhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhanka kale Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu ku xasuuqday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xaaf waxa uu Tacsi u diray Ehelada dadkii ku nafwaayay goobtaas iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxa uu caafimaad u rajeeyay dhamaanba Muwaadiniinta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo magacaabay Guddi Gurmad Qaran

Next Post

Falcelinta Shacabka ee xasuuqii Ex-control Afgooye oo gil gilay Baraha Bulshada.

Next Post
Falcelinta Shacabka ee xasuuqii Ex-control Afgooye oo gil gilay Baraha Bulshada.

Falcelinta Shacabka ee xasuuqii Ex-control Afgooye oo gil gilay Baraha Bulshada.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In