Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere, kaas oo dhismihiisa iyo taakuleyntiisaba uu qayb weyn ku leeyahay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Labada Madaxweyne ayaa xog wareystay xaaladda Ardayda Agoonta ah ee dugsigan, iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo macallimiinta oo uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay in ay gacanta ku hayaan dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Boondheere.