ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane CabifataaxSiciidย Alsiisi, ayaa ugu hambalyeyay shacabka iyo hoggaanka dalkaas maalmaha barakeysan ee Ciidda Fidriga.
Madaxweynaha ayaa la hadalkiisa ku yiri โWaxaan u rajeeynayaa Masar iyo shacabkeeda aan walaalaha nahay horumar iyo baraaro joogta ah, annaga oo sidoo kale guul Alle u weydiinayna Golaha Xukuumadda Cusub ee dhawaan aad xilka u magacawday Madaxweyne.โ
Dhankiisa, Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoona Alle uga baryey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdoodaba in u siyaadiyo xasilloonida, horumarka iyo isku duubnida.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Masar iyo Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u dul maray Madaxweyne Alsiisi, tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday xasilinta amniga iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.
Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa xaqiijiyey in dalkiisa Masar ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga goโantahay in la joogteeyo, korna loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.