Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir iyo dib u habayn lagu samaynayo kadib bur bur ka soo gaaray qaybo ka mid ah wadadaani Roobab sanado kala duwan wax yeeleeyay.
Madaxweyne Dani ayaa warbixin ka dhegaystay Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Puntland ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa dayactirka wadadaani , oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.
waxaana Kormeerka Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirada Maaliyada,Howlaha Guud,iyo Kusimaha Hay’ada wadooyinka Puntland.
Puntland ayaa in ka badan 7 million oo dollar oo laga bixinayo qasnada Dowlada ku dayac tiraysa wadooyinka Muhiim ka ah ee isku xira deegaanada Puntland uuna soo gaaray burbur kala duwani.