Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah.

Previous Post

Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”

Next Post

Daawo+Sawirro” Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor”

Next Post
Daawo+Sawirro” Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor”

Daawo+Sawirro" Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In