Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxa ay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya Dowladahaas”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda Dowladda FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo kulamo horudhac ah uga socoda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.”

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

“Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar.

Previous Post

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose oo kormeeray mashaariic laga hirgelinayo degmada Afgooye+Sawirro

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In