Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Benaadir ee magaalada Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimad iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri“Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”

Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.

 -DHAMMAAD-

Previous Post

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, “Dhallinyarooy xal aan ka gaarno Xabaalaha batay ” SAWIRRO

Next Post

Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii Zoobe kaddib

Next Post
Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii Zoobe kaddib

Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii Zoobe kaddib

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In