Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Masar oo khadka telefoonka ku wada hadlay

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Masar oo khadka telefoonka ku wada hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas raaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ay kamid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxay, sidoo kale, isla soo hadal qaadeen in si wadjir ah loo wajaho xaaladaha haatan ka taagan Dalka iyo guud ahaan Gobolka.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad +(Sawirro)

Next Post

Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro

Next Post
Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro

Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In