Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteriya oo kulan ku yeeshay Asmara

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteriya oo kulan ku yeeshay Asmara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoo tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyna Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo muddo laba cisho ah booqanaya dalka Eretriya ayaa lagu wadaa in madaxda dalkasi ku lafa-guraan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii.

Previous Post

Ciidanka Jubbaland oo sameeyay howlgal khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab

Next Post

Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay banki cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay banki cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay banki cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In