Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii looga mira-dhallin lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowladnimadeenna oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, kana turjumeysa himilada shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Previous Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorahooyinka Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In