Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaamineyey ee booqashada ku tagay dalka Turkiga ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyin ka tirsan dowladda, saraakiisha ciidanka iyo xubno kale.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Ankara ee xarunta Dalka Turkiga waxa uu Madaxweynuhu la kulmay dhigiisa Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Sidoo kale Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka.