Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan Booliska dalka “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan Booliska dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaara ku-xigeenka dalka  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow)  ayaa waxaa ay ka qeyb galeen munaasabad lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo darajooyinka u xiray Saraakiisha la dalacsiiyay, Saraakiishan ayaa waxaa dalacsiiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhalinyarada ah ee la dalacsiiyay.

Mahad Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Moha Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka.

Si-kastaba tan iyo markii talada dalka Soomaaliya ay la wareegtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay tayanta adeegyada ay helayaan Xujeyda Soomaaliyeed sanadkan.

Next Post

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar+Sawirro

Next Post
Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar+Sawirro

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In