Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii Shirkii Africa iyo Ruushka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
President Farmajo travels to Sochi, Russia to Attend the Russia-Africa Forum (RAF).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga heer Qaran ee kala qeyb galay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo ku qabsoomtay magaalada Sochi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay Hoggaanka dalka Ruushka ee marti-gelinayey Madasha, Madaxda Afrika iyo Maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee ka soo qeyb galay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Qaaradda Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb xooggan uga noqdaan dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha goob joogga ku ahaa Madasha Sochi muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isu furfurnaanta maalgashi, maadaama hayaan hor u socod iyo horumar ah ay ku tallaabsadeen inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo xoojinaysa isku duubnida iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamada shucuubta Qaaradda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda u hirgalaan qodobbada iskaashi ee ka soo baxay war-muriyeedka Madasha Dhaqaale ee Sochi, isagoona soo bandhigay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin ka faaiideysiga fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee lagu jaangooyey Madashaas.

Previous Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Baay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In