Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

C4yPJ7wWIAAtFE3Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhambaal farriin ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed gaarsiisay maanta oo arbaco ah dhiggiisa waddanka Kenya mudane Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ahna kusimaha safiirka Cali Maxamed Sheekh Bagadi ayaa madaxtooyada Kenya ku booqday madaxweyne Kenyatta, ayaga oo ku wareejiyay dhambaalka madaxweyne Farmaajo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

“Waxaan la kulmay Qunsulka Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cumar oo isoo gaarsiiyay farriin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed” ayuu faafiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta bartiisa Twitter-ka.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh “Bagadi” ayaa SONNA u xaqiijiyay in madaxweyne Kenyata uu aqbalay in uu ka soo qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo arbacada soo socota ka dhici doonta magaallada Muqdisho.

“Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan caqabado iyo fursado guud, si wada jir ah waxa aan uga qeyb qaadan kartaa nabadda iyo barwaaqda gobolka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed, sidoo kale waxa ay iska kaashaadaan arrimaha ammaanka labada dal gaar ahaan la dagaallanka argagixiada.

16797693_1572976139397600_7415182607890295870_o C4yPJ7wWIAAtFE3

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaallo hambalyo ah ka kala helay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal sugayaashiisa

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay musharraxiintii uu ka guuleeystay+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In