Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa tagay Isgoyska Soobe oo shalay uu ka dhacay Qarax maleeshiyaadka Argagixisada ah ay ku xasuuqeen Shacab Maato ah.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tagay Isbitaalada la dhigay dadka Dhaawacyada qaba, iyadoo sidoo kale Madaxweynuhu uu dhiig u shubay dadka Dhiiga u baahan ee ku dhaawacmay Qaraxa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho.