Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo farxadda ciidda la qaatay Ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo farxadda ciidda la qaatay Ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Al-shabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu.

Previous Post

Ciidanka xoogga iyo Darawiishta Galmudug oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay aagga Qaycad

Next Post

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanka Qodqod “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanka Qodqod “SAWIRRO”

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanka Qodqod "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In