Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan.

Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

“Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba.

Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Previous Post

Erdogan: Ka laaban meyno heshiiska Russia ee ganntaalada S-400.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhalinyarada ku tilmaamay iney tahay awoodda kaliya ee dalka.

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dhalinyarada ku tilmaamay iney tahay awoodda kaliya ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo dhalinyarada ku tilmaamay iney tahay awoodda kaliya ee dalka.

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In