Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go’antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026

“Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab.

“Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno.”

Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka, dib u soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jiray qaar ka mid ah xabsiyada dalalka shisheeye, la soo wareegidda maamulka hawada iyo dib u soo nooleynta kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd dunida.

“Waxaan dadaal adag ugu jirnaa in aan markii ugu horreysay hoggaaminno Urur Goboleedka IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii asaasay. Waxaan haysannaa fursad aad u wanaagsan in naloo doorto jagadaas. Sidoo kale waxaan dadaal ugu jirnaa sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka ganacsiga mideysan ee waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu gaarsiisanyahay heerkii ugu sarreyey, iyadoona Isfahan iyo wada tashi uu asaas u yahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyey sida ay uga go’antahay ilaalinta iyo dhowrista Soohdimaha, xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed, xiriirkasta oo heer caalami ahna ay asaas u tahay danaha iyo sharciyada dalka.

Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Cabdifataax Awaare
Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”

Next Post

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Next Post
Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In