Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go’antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026

“Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab.

“Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno.”

Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka, dib u soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jiray qaar ka mid ah xabsiyada dalalka shisheeye, la soo wareegidda maamulka hawada iyo dib u soo nooleynta kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd dunida.

“Waxaan dadaal adag ugu jirnaa in aan markii ugu horreysay hoggaaminno Urur Goboleedka IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii asaasay. Waxaan haysannaa fursad aad u wanaagsan in naloo doorto jagadaas. Sidoo kale waxaan dadaal ugu jirnaa sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka ganacsiga mideysan ee waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu gaarsiisanyahay heerkii ugu sarreyey, iyadoona Isfahan iyo wada tashi uu asaas u yahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyey sida ay uga go’antahay ilaalinta iyo dhowrista Soohdimaha, xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed, xiriirkasta oo heer caalami ahna ay asaas u tahay danaha iyo sharciyada dalka.

Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Cabdifataax Awaare
Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”

Next Post

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Next Post
Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In