Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo garsooreyaasha ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sarreynta cadaalladda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo garsooreyaasha ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sarreynta cadaalladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

“Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.”

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba.

“Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.”

Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Muqdisho ka furay tababarka awoodsiinta Afkeenna Hooyo

Next Post

Howlwadeeno ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Next Post
Howlwadeeno ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Howlwadeeno ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Tababar loo soo xiray "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In