Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In