Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Wadankeenu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruuf adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka berri, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummdadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda Jaamacadda burburkii ka dib ayaa tiro ahaan gaarayey 131 kuwaas oo dhammaystay kulliyadaha Sharciga, Dhaqaalaha, Beeraha, Waxbarashada, iyo Xanaanada Xoolaha.

Munaasabadda qalinjabinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, diblomaasiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga Marwo Emanuela C. Del Re iyo marti sharaf kale.

 

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo gaaray Cadaado

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In