Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Wadankeenu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruuf adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka berri, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummdadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda Jaamacadda burburkii ka dib ayaa tiro ahaan gaarayey 131 kuwaas oo dhammaystay kulliyadaha Sharciga, Dhaqaalaha, Beeraha, Waxbarashada, iyo Xanaanada Xoolaha.

Munaasabadda qalinjabinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, diblomaasiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga Marwo Emanuela C. Del Re iyo marti sharaf kale.

 

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo gaaray Cadaado

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In