Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo beenisay Warqad been abuur ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir Hilaal.

Next Post

Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

Next Post
Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In