Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nayroobi, Nofeembar 12, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo Paris Kulan Ku Yeeshay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Xoghayaha guud ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn oo Paris ku kulmay

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Xoghayaha guud ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn oo Paris ku kulmay

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Xoghayaha guud ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn oo Paris ku kulmay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In