Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka Jeediyey Shirweynaha Iskaashiga Turkiga Iyo Afrika

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka Jeediyey Shirweynaha Iskaashiga Turkiga Iyo Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

“Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah,  sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen.”

Madaxweynaha oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa’iido labo dhinacle ah.

“Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah.”

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tisan Maamulka Gaalkacyo oo kormeeray Waddada isku xirta Gaalkacyo Iyo Garoonka Diyaaradaha Oshaco

Next Post

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada oo kormeeray Dhismaha Hangarka Diyaaradaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada oo kormeeray Dhismaha Hangarka Diyaaradaha “SAWIRRO”

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada oo kormeeray Dhismaha Hangarka Diyaaradaha “SAWIRRO”

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In