Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Goobaha Danta Guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Goobaha Danta Guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

“Hawshan wanaagsan ee aad haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

Dhankooda, hawl-wadeennada Barnaamijka Isxilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Isxilqaan in ay dardar geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.

Previous Post

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo Xaqiijiyey Amniga deegaanka Bariire “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shir-gudoomiyey Shirka Tubta Arrimaha Cadaaladda

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shir-gudoomiyey Shirka Tubta Arrimaha Cadaaladda

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shir-gudoomiyey Shirka Tubta Arrimaha Cadaaladda

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In