Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Muqdisho, 05 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca Qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay shirka wadatashiga arrimaha Barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”

Next Post
Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”

Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In