Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Muqdisho, 05 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca Qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo daah furay shirka wadatashiga arrimaha Barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”

Next Post
Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi “SAWIRRO”

Taliska ciidanka Asluubta oo shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi "SAWIRRO"

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In