Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay kobcinta doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

“Abaal weyn ayay nagu leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed, xilligii xornimo doonka waxa ay ahaayeen udub-dhexaadka halgankii xorriyadda iyo midnimada. Xilliyadii duruufaha adag ay soo wajaheen dalkeenna waxa kaliya ee loo baxsaday waxa ay ahaayeen dumarka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhageystay talooyinka iyo weydiimaha Haweenka ka soo qeyb galay kulankan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladdu ay xoojiso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka.

Dhankooda, Marwooyinka ka soo qeyb galay kulanka ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey mudnaanta uu siiyey Haweenka iyo kalsoonida uu ku qabo doorkooda dib u dhiska dalka, hirgelinta qorsheyaasha Qaran ee dhanka horumarka, adkeynta midnimada iyo ka miro-dhalinta dadaallada dib u heshiisiinta.

 

 

Previous Post

73 Arday oo ka qalin jebisay Jaacamadda Qur’aanka Kariimka “SAWIRRO”

Next Post

Xaalada cudurka karoonaha ee dalka UK ayaa u muuqata in ay iminka gaartay meel halis ah waxaana isa soo taraya digniinaha ay bixinayaan dhaqaatiirta caafimaadka kuwaas oo dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

Next Post
Xaalada cudurka karoonaha ee dalka UK ayaa u muuqata in ay iminka gaartay meel halis ah waxaana isa soo taraya digniinaha ay bixinayaan dhaqaatiirta caafimaadka kuwaas oo dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

Xaalada cudurka karoonaha ee dalka UK ayaa u muuqata in ay iminka gaartay meel halis ah waxaana isa soo taraya digniinaha ay bixinayaan dhaqaatiirta caafimaadka kuwaas oo dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In