Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii labada sanno ahayd ee ay shaqaynayeen, kuwa qabyada ah iyo qorshayaasha uga dejisan dardargelinta geeddiga qabyatirka Dastuurka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo hadda la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira.

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominayey kulanka ayaa markii uu dhegaystay warbixinnada waxa uu sheegay in Dowladdu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda maadaama oo ay khilaafyada siyaasadeed ee soo noqnoqday caqabad ku ahaayeen geeddi-socodka qabyatirka dastuurka.

“Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag isaga oo ku boorriyey in la dardargeliyo dadaallada haatan socda.

Shirka waxa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.

Previous Post

Munaasabad lagu soo bandhigay xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya oo lagu qabtay New Delhi+Sawirro

Next Post

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.

Next Post
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In