Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kumanaan Shacab ah kala qaybgalay Munaasabad lagu maamuusayay 1-da LUULYO+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kumanaan Shacab ah kala qaybgalay Munaasabad lagu maamuusayay 1-da LUULYO+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kumanaan ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Dalka kala qeybgalay munaasabad lagu weyneynayay xuska 59 sano guuraddii ka soo markii ay xoroobeen goboladda Koofureed ee Dalka sidoo kalana ay midoobeen Goboladii Waqooyi iyo kuwii Koofureed ee Dalkeena.

Munaasibada xuska 1-da Luuliyo oo sanadkaan si weyn uga duw’neyd sanadihii hore ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Koonis ee Magaaladda Muqdisho halkaasi oo lagu soo bandhigay dhacdooyin lagu muujino qiimaha uu qarankeena u leeyahay maalinkani.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaasha Ciidamadda qalabka sida, Diblumaasiyiinta Safaaradaha dalka ku yaala, iyo kumanaan ka mida Shacabka ku nool Caasimadda Dalka ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasibadan.

Cutubyo ka tirsan Ciidamadda qalabka sida ee qaranka ayaa soo bandhigay Gaarda ka ciyaar ay aad ula dheceen dadkii u soo daawashada tagay munaasibada 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qudbad ka jeediyay munaasibada ayaa ku booriyay Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay weyneeyaan maalmahaan oo kale waxa uuna ugu baaqay sidoo kale in ay u midoobaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in sida keliya ee Ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni karo ay tahay Wadaniyadda oo la xoojiyo si loo soo celiyo Qabkii iyo Kalsoonidii Ummadda ee ku aadaneyd wax u qabashadda Dalkooda.

Previous Post

1da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon Ee Magaaladda Muqdisho.

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon Ee Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon Ee Magaaladda Muqdisho.

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In