Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la Caleema-saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo la Caleema-saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

2017222636233382305416822sarka_1

Munaasabadda Caleema-saarka, waxaa marti ku ahaa, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Seekh Shariif Sh. Axmed, Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, wakiillo ka socdey waddamada Caalamka, waxaana yimd munaasabadda madax ka socotay 124 dal.

Related posts

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026

Madaxweyne Farmaajo, waxaa wehlisay marwadiisa.

Munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey, wakiillo  iyo madaxweyneyaal, Wakiil Q.M ee Soomaaliya , Wakiillo ka socdey Turkiga, Jaamacadda Carabta, Midowga Africa iyo Suudaan, ayaa iyagana sheegay in si dhab ah ay ula shaqeyn doonaan oo ay taageeri doonaan dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz waxa uu sheegay in doorashadii Soomaaliya ka dhacdey ay muujineyso nidaam iyo dowladnimo dimoqoraadi ah.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhhuru Kenyata, ayaa u hambaleeyey  Madaxweyne Farmaajo  iyo Shacabkiisa, waxa uu sheegay in uu abuurayo xiriir ku dhisan Derisnimo, walaalnimo iyo Iskaashi dowladda Kenya-na ay diyaar u tahay garab istaagga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay dalalka dagaallada ka soo baxay, waxa uu intaa raaciyey  in guusha hadda  ay Soomaaliya u horseeddo nabad iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kula taliyey shacbiga Soomaaliyeed in ay sii wadaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha iyo dowladdiisa, dowladda Jabuutina ay mar walba Soomaaliya u yahay Hiilka koobaad.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ballan-qaadey in fursadda ay maanta shacabka Soomaaliyeed heystaan uu ku gacan siin doono dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax badan lagu soo guuleystay, mar walbana uu u taagan tahay dhismaha  iyo gacan siinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha la caleema-saaray ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey dowladihii ka horreeyey oo u sheegay in dalka ay soo gaarsiiyeen meesha uu maanta joogo, sida doorashadii dalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay in dalka muddo uu burbur ku soo jiray, waxa ugu muhiimsanna ay tahay nabadgalyada, xuquuqda ciidammada ayuu xusay in dowladdiisa ay mar walba bixin doonto, waxa uu u mahadceliyey ciidammada AMISOM, hasa yeeshee waxa uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay dhammeystirka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Abaaraha dalka aafeeyey, ayuu sheegay in dowladdiisa ay ka leedahay istaraatiijiyad weyn oo lala kaashan doono khubarro, si looga hortago abaaraha soo laa laabtay.

Caddaaladda ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay sal u tahay amniga, shacabkuna looga baahan yahay in ay dowladda ku gacan siiyaan arrinta nabadda iyo xasiloonida dalka, kooxanaha Al-Shabaab ayuu sheegay in uu dhammaadey waqtigii ay ummadda dhibaateyn jireen oo hadda kaddib loo midoobey la dagaallankooda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in  Soomaaliya lagu sheego dalka ugu musuq musuqa badan caalamka, ammaanada shacabku ayuu xusay in ay ilaalin doonto dowladda, isla markaana laga wada shaqeyn doono cirib tirka musuqa, si Soomaaliya looga dhigo waddanka ugu musaqa yar adduunka.

Madaxweyneyaashii munaasbadda caleema-saarka ka soo qeyb-galay  ayaa dalalkooda si nabad ah ugu laabtay.

78 2017222636233382305416822sarka_1

 

Previous Post

Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo qorsheynaya inay kaalmo gaarsiiyaan qoysas soo barakacay

Next Post

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay abaaraha dalka ka jira.

Next Post
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay abaaraha dalka ka jira.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay abaaraha dalka ka jira.

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda inay ka taxaddaraan qashinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In