Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1da Abriil, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay Guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse.

DHAMMAAD

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom  lagu daro sidii Ciidanka Qaranka loogu heli lahaa dhaqaalo 

Next Post

Dhageyso: Saldhigyo Maleeshiyad Al-shabaab ku lahaayeen Ceelbuur oo la duqeeyey

Next Post
Dhageyso: Saldhigyo Maleeshiyad Al-shabaab ku lahaayeen Ceelbuur oo la duqeeyey

Dhageyso: Saldhigyo Maleeshiyad Al-shabaab ku lahaayeen Ceelbuur oo la duqeeyey

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In