Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Ciidda awgeed ka farxiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee Cusbitaal Martiini

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Ciidda awgeed ka farxiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee Cusbitaal Martiini
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa gaarsiiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan cusbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho hadiyado ciidsiin ah oo uu ugu talagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Tuulax ayaa hadal uu u jeediyey Ciidanka waxa uu ku sheegay in Ciidsiintan uu u sameeyey Madaxweynuhu ay ka tarjumayso sida uu markasta u xasuusanyahay, una daneynaayo farxaddooda iyo niyad wanaagooda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idin ku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Maamulka heer Gobol iyo heer Federaal in wax tar muuqda oo joogto ah ay u sameeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Cusbitalka Martiini, maadama ay naftooda u soo horeen dalkooda, haatanna la joogo xilligii ay guran laaheeyeen mirihii halgankii dheeraa ay u soo galeen dalkooda.

Saraakiisha iyo Ciidanka Naafada ah ee la guddoonsiiyey hadiyadaha uu ugu tala galay Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dareenkooda farxadeed, iyagoona bogaadiyey maamuska iyo maqaamka uu u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

Previous Post

Ururka dhallinyarada Milk-way Community Center oo dharka ciid ah guddoonsiiyay 40 carruur agoon ah “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In