Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Ciidda awgeed ka farxiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee Cusbitaal Martiini

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Ciidda awgeed ka farxiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee Cusbitaal Martiini
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa gaarsiiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan cusbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho hadiyado ciidsiin ah oo uu ugu talagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Tuulax ayaa hadal uu u jeediyey Ciidanka waxa uu ku sheegay in Ciidsiintan uu u sameeyey Madaxweynuhu ay ka tarjumayso sida uu markasta u xasuusanyahay, una daneynaayo farxaddooda iyo niyad wanaagooda.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idin ku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Maamulka heer Gobol iyo heer Federaal in wax tar muuqda oo joogto ah ay u sameeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Cusbitalka Martiini, maadama ay naftooda u soo horeen dalkooda, haatanna la joogo xilligii ay guran laaheeyeen mirihii halgankii dheeraa ay u soo galeen dalkooda.

Saraakiisha iyo Ciidanka Naafada ah ee la guddoonsiiyey hadiyadaha uu ugu tala galay Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dareenkooda farxadeed, iyagoona bogaadiyey maamuska iyo maqaamka uu u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

Previous Post

Ururka dhallinyarada Milk-way Community Center oo dharka ciid ah guddoonsiiyay 40 carruur agoon ah “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In