Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed magaalada Nayroobi kula qaatay dhiggiisa dalka Ugandha Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo amuuraha guud ee gobolka oo ay labada dal dan-wadaagta ka yihiin.