Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo si shaqsi ah ugu tacsiyeeyey qoyskii marxuum Tahliil Jimcaale Hubanne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 24kii April 2017 kulan gaar ah la qaatay qoyskii marxuum Tahliil Jimcaale Hubanne oo habeenkii Isniinta soo galeysey ee 23kii April 2017 uu ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga murugooday markii uu maqlay in marxuum Tahliil uu shil gaari ah awgiis uu u geeriyooday. Tahliil Jimcaale Hubanne ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, ahaana shaqsi howl-kar ah, bulshadu jeceshahay, daacad ah, wadani ah. Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Eng. Yarisow ayaa qoyska la kulmay ugana tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd, una ballanqaaday qoyska in xaquuqdii marxuumka ay qoyska heli doonaan.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u ballanqaaday in Dowladda iyo shacabka ay si dhow u wada shaqeynayaan, iyadoo dowladdu ay u gurman doonto shacabka Soomaaliyeed, kulanka maantana uu ka tarjumayo fulinta ballanqaadka Madaxweynaha ee ahaa inuu shacabka la murugoonayo, la xanuunsanayo, diyaarna u yahay inuu u gargaaro si dalka loo gaarsiiyo nabad, amni, kala danbeyn, bash-bash iyo barwaaqo.

Halkan ka daawo kulanka madaxweynaha iyo hadaladii Wasiir Eng. Yarisow iyo xubno ka tirsan qoyska marxuum Tahliil. https://www.youtube.com/watch?v=ntazFKE9odo

DHAMAAD

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaalad Dawo La,aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Next Post
Xaalad Dawo La,aan ah oo ka Jirta  Isbitaalka Banaadir

Xaalad Dawo La,aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In