Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Previous Post

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Soomaaliya oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Next Post

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda “Sawirro”

Next Post
UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda “Sawirro”

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda "Sawirro"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In