Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Swedan iyo Talyaaniga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Swedan iyo Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane; Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane, Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay in dedaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka Labada Dal, isaga oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Dalka Talyaaniga Mudane; Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala Dalkeenna Soomaaliya.

Vecchi, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Dalka Talyaaniga Mudane ; Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in Dalkiisu ay saaxiib dhow la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye Labada Dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo Magacaabay, wuxuuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku Garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

          

Previous Post

Taliska ciidanka xoogga dalka oo u yeeraya Ardadydii soo codsatay kamid noqoshada xoogga dalka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “Sawirro”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In