Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Xuska Sannad Guurada 78-aad  ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Xuska Sannad Guurada 78-aad  ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-Aad ee Aas-Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ubax dhigay Taallada Halyeeyada Ciidanka Booliska ee Akadeemiyadda Janaraal Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidan Booliska Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka iyo doorashooyinka, ilaalinta xasilloonida, sarreynta sharciga iyo caddaaladda, taas oo muujineysa miro-dhalka qorsheyaasha dib-u-dhiska Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

April 11, 2026

“Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa uu markhaati ka yahay isbeddelka iyo dib-u-dhiska xooggan ee aan ku sameynay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kordhiyey tiro iyo tayo ahaanba, taas oo wax weyn ka beddeshay amniga dalka iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha amniga dardargelinta howlgallada lagu sugayo amniga dalka, gaar ahaan waqtiga doorashada, isaga oo tilmaamay halista maandooriyaha ku soo kordhay dalkeenna oo Ciidamada Boolisku ay haatan kula jiraan dagaal adag.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhoolla-tus Ciidan, waxa uuna  Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii naftooda u huray ilaalinta amniga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka socotay saaxiibbada Soomaaliya.

Previous Post

President Farmajo warns against changes made upon the Sept. 17 agreement

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka "SAWIRRO"

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee...

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Belarus):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, isla markaana ah safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u qaabilsan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In