Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waa in degdeg loo joojiyaa dirirta sokeeye ee ka socota Ceel-Afwen”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in laga wada qeyb qaato xoojinta Amniga,Midnimada iyo Wadajirka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

Previous Post

Wasiir Goodax oo daah-furay mashruuca horumarinta waxbarashada+ Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo “Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo “Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In