Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa uga digay dowladaha iyo shirkadaha shisheeye inay ku xudgudbaan Qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  khudbad dastuuri ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Gole ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka iyo horumarka ay dowladda ku talaabsatay.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

“Waxaan uga digayaa in wadamada shisheeyee iyo shirkahada shisheeyee aysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya, waa dhab inaan xaalad adag ku jirno, waa dhab in dhaqaalaheenu ay tahay meel hoose, waa dhab in dad qaar aysan fahamsaneyn bixinta canshuurta, canshuur la’aan waa dowlad la’aan, waa dhab in hay’adaha amniga aysan ahayn sidii la rabay, intaas iyada oo na heysato, dadka Soomaaliyeed daruuf kasta oo ay ku jiraan waa dad ad adag, dadka Soomaaliyeed waa dad qiimeeya dadnimadooda iyo dowladnimadooda, hal taako oo ka mid ah dhulka Soomaalida inuu si xun ku baxo ma doonayaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday socdaalkii Nabadda ee uu ku soo maray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galgaduud oo uu sheegay inay tahay socdaal Nabadeed oo wax badan u qabsoomay, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha dib u heshiisiinta.

“Waxaan shaqo fiican ka qabanay oo aan ku guuleysanay inaan dib u heshiisiin dhab ah u sameyno, magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo Dhuusamareeb, waxaa hada meel gabo gabo ah maraysa dib u hesiisiinta ka socoto magaalooyinka Belanbal iyo Guriceel, oo uu howshaasi si fiican u socota, waxaana garwadeyn ka ah Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.” ayuu Madaxxweynaha hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Sida aad ogsoontihiin dowladdu waxa ay dalkooda dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Dalalka Ethiopia, Hindiya, Jaziiradda Siishalis iyo Libiya, waxaan weli ka shaqeyneynaa inaan dalkooda dib ugu soo celino maxaabiista kale ee ku jirta xabsida dalka dibadiisa ah”

Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xusay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii ay dib u soo ceshan lahayd doorkii hogaamineed ee ay ku lahayd, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in maxkadda caalamiga ah ee cadaaladda uu Garsoore sare Cabdiqawi Axmed Yusuf ka noqdo guddomiyaha maxkamadda muddo 25 sano kaddib.

“Waxaan dhawaan dib u bilaabaynaa wadada hadaladii u dhexeysay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo salka ku haysa sidii aan midnimada u wadaagi lahayn, dadka Soomaaliyeed waa dad Walaalo ah, wixii khilaaf ah waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Previous Post

TOOS U DAAWO:- Xaflada Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya”

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In