Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Daah Furay Doorashada Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Daah Furay Doorashada Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa daahfuray doorashada xubnaha golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo taas oo  si rasmi ah uga bilaabatay magaalada.

Munaaasabada daahfurka doorashada oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, saraakiil ka socatay hay’addaha F.C.A C.R.D iyo EISA oo gacan ka geysanaya dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) waxaana uu sharaxaad kooban ka bixiyay dadaalka loogu jiro dhismaha hogaanka maamulka dagmada galkacyo isagoona sheegay in maalmaha soo socda lagu soo gaba gabeyn doono

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Munasaabada furitaanka doorashada xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug oo sheegay in bulshada ay heystaan hanaan ay wax ku dooran karaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna bogaadiyay hanaan socodka dhismaha golaha deegaanka Galkacyo

Intaas kadib waxaa la guda galay doorashada xubnaha golaha deegaanka Degmada, iyadoo wax lagu dooranayay cod qarsoodi ah, waxaana  si rasmi ah loo doortay ilaa iyo 12 kursi oo qeyb ka ah 27ka kursi ee xubnaha golaha deegaanka, kuwaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqay doorashada kadib

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali ayaa gunaanadkii munaasabada u hambalyeey xubnaha la dooratay, kuwaas oo ay ku jiraan labada murashax ee u tartamaya duqa Degmada Gakkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo Cabdifataax Axmed Barre

Previous Post

Siihayaha Wasiirka Tamarta Oo Muqdisho Ka Furtay Shir Horudhac U Ah Shirweynaha Qaran Ee Tamarta “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Maalinta Calanka oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta Calanka oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Xuska Maalinta Calanka oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In