Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Martida degmada Balan bal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Martida degmada Balan bal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Galmudug iyo maamulka Degmada Balanbal ayaa maanta  dhagax dhigay guriga martida ee Degmada.

Madaxweyne ku Xigeenka iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta garsoorka Degmada,  Iskuulka Sare ee Degmada Balanbal, Guriga haweenka Degmada  iyo Kuleej dhismihiisa uu waqtigaasi socday oo loogu tala galay in lagu daryeelo, laguna koriyo Agoonta ku dhaqan magaalada Balanbal.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Booqashada wafdigan ay ku sameeyeen xarumaha bulshada ee degmada Balanbal ayaa aheyd mid mas’uuliyiinta inta badani ay socod ku tagayeen goobaha ay booqanayeen, waxaana Xarumaha ay booqdeen ay ahaaeen kuwa uu ka muuqdo burbur baahsan iyo kuwa u baahan dayactir.

Xarunta Cadaalada iyo Garsoorka ayaa ka mid ah meelaha bur burka uu ka muuqday  waxaana markii halkaasi ay booqashada ku tageen wafdiga ka socday Dawlada Galmudug uga warbixiyay Gudoomiyaha Degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo tilmaamay in xaruntu ay kamid tahay meelaha ku bur burtay dagaaladii ka dhacay Degmada 1982.kii ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxwayne Ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday Iskuulka Sare ee degmada Balanbal waxaana ay halkaasi ku wareysteen macalimiinta iyo Ardaga wax ka barata iskuulkaasi.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqashada ku tagay xarun Kuleej uu dhismihiisu waqtigaasi socday, waxaana wafdiga  oga warbixiyay Gudoomiyaha degmada Balambal baahida iyo duruufta keentay in la sameeyo kuleejkaas.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha hoose Mudane Jaamac Xassan Salaad (Sheelare) oo ka hadlay kormeerka ay ku marayeen xarumaha bulshada ayaa sheegay in ay ahmiyad u leedahay Dawlada Galmudug adeegyada lagu hormarinayo degmada.

Madaxwayne ku Xigeenka dawalada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dhankiisa ka warbixiyay kormeerka ay ku mareen xarumaha Bulshada Degmada Balanbal waxaana uu sheegay in dawladiisu ay xil iska saari doonto wax u qabashada bulshada Galmudug.

 

P1030071   P1030080 P1030088 P1030097 P1030122 P1030130 P1030136 P1030140 P1030155

 

C/kariin Axmed Bulxan

Balanbal Soomaaliya

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In