Madaxweyne kuxigenka dowlad goboledka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo ay wehliyaan Xildhibaano katirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo sarakisha ciidamada qalabka sida, ayaa booqday xerada ay daganyihiin ciidanka gaarka ah Haramcad ee duledka magalada Beledweyn kutaala Madaxweyne kuxigenka Hirshabeelle ayaa kula dar-daarmay sarakisha ciidamada Haramcad in ay kaqeyb qaataan sugida amaanka magalada Beledweyn si looga guuleysto kooxaha Argagixisada ee geysta falalka amaanka lid ka ku ah.
Ciidamada booliska garka ah ee Haramcad ayaa dhawaan lageyay magalada Beledweyn si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka magaalada Beledweyn oo lafilayo in dhawaan lagu doorto 25 kamida xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.