Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Cabdullahi Sheikh Ismaaciil “Fartaag” ayaa manta ka qeybgalay dabaal-daga dhaqanka iyo farshaxanka ee Kismaayo. Dabaal-dagan ayaa si rasmi ah uga furmay 7da bisha Feebaraayo.  Ololahan ku wajahan dib-u soo noolaynta dhaqanka iyo farshaxanka ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiid ee Jubaland iyo Xafiiska Duqa Magaalada Kismaayo. Wasiirka Wasaarada mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa si rasmi ah u furay maalintii ugu horeysay bandhig faneed iyo cayaaro isboorti oo lagu soo bandhigay xarunta cayaaraha ee xaafadda Calanley, Degmada Kismayo. Waxaana uu wasiirku halkaas kula` hadlay ka soo qeyb galayaal badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo.

Xafladan balaaran ee manta ka dhacday xarunta shirarka ee Daawad ayaa waxaa iyana ka soo qeyb galay in ka badan 700 oo qof iyo madax kale oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Afhayeenka Jubaland, MAdaxa Haweenka Jubooyinka iyo madax kale oo badan. Waxayna dhamaan si rasmi ah uga qeyb qaateen damaashaadkii todobaadka soo noolaynta dhaqanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Madaxda Jubaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka ayaa u daawasho tagay bandhiga hidaha iyo dhaqanka oo ay xaafadaha magaalada Kismaayo. Bandhigan ayay xaafadahu ku tartameen soo bandhiga qalabka iyo dharka hidaha Soomaaliyeed. Waxaana la siiyay fursad ay ku tartamaan soo bandhiga dhaqankooda. Madaxda yaa si farxad leh uga qeyb qaatay xuskan baaxada weyn eek a dhacay magaalada Kismaayo.

Todobaadka Hidaha, Dhaqanka & Farshaxanka ee Kismaayo waxuu si rasmi ah u bilowday 7da Feebaraayo waxaana uu soconayaa illa laga gaaro -11ka  feebaraayo. Waxuuna ka dhici doonaa dhowr xarumood oo ay ay kamid yihiin Xaruunta shirarka ee hooyooyinka iyo Xarunta SHirarka ee Daawaad eek a soo horjeeda dhismihii hore ee Caymiska. “Ha u-daymo la’aan, hal-abuurka Kismaayo”.

 

20160210_152633 20160210_171815 Center VP Second Left Minister of Social Affairs From Left Minister of Information and Chairwomen of the Jubaland Women Kabebey Dance performers and Side left of the hall Sharing the traditional tools - lady

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay hogaanka NUSOJ

Next Post

Taliyaha ciidanka xooga “Waan wada xisaabtamaynaa runta markaan idin sheego”

Next Post
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Taliyaha ciidanka xooga “Waan wada xisaabtamaynaa runta markaan idin sheego”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In