Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta beeraha Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta beeraha Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe kaga qayb galay munaasabad Maalinta Beeraha ee Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, waxaana lagu soo bandhigay wax soo saarka oo ay ugu muhiimsan yihiin dalaga beeraha.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo ganacsatada ku howlan ee maal gelisa wax soo saarka beeraha Puntland.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qayb galo munaasabad lagu xusayo wax soo saarka Puntland , isagoo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland ku ammaanay sida ay ugu howlan tahay horumarinta wax soo saarka beeraha, sidoo kale wuxuu caddeeyey in qorshayaasha waxqabadka Puntland ay ku jirto sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee dalku leeyahay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la kordhiyo cilmiga beeraha si loo helo aqoonyahanno takhasus u leh dalaga beeraha si dalaga kasoo go’a Puntland uu tayo u yeesho.

Dhinaca kale, Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe waxaa uu kaga qayb galay munaasabad ay ku qalan jabinayeen 43-arday oo dhamaystay heerka koowaad ee tacliinta sare, iyagoo ka baxay kulliyado kala duwan. Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise, Marwada Madaxweynaha Dr. Hodan Siciid Ciise, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda PSU, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda, arday, waalidiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa ardayda qalan jabisay ku amaanay waqtiga ay ku bixiyeen waxbarashada sare, isagoo sheegay inay yihiin maskax iyo xoog cusub oo dalka iyo dadkaba usoo kordhay.

DSC01662 DSC01666 DSC01668 DSC01670 DSC01672 DSC01675 DSC01677 DSC01679 DSC01683 DSC01684 DSC01690 DSC01691 DSC01695 DSC01698 DSC01703 DSC01704 DSC01706 DSC01710 DSC01711 DSC01717 DSC01719 DSC01734 DSC01737 DSC01745 DSC01746 DSC01753 DSC01756 DSC01762 DSC01768 DSC01770 DSC01777 DSC01781 DSC01787 DSC01794 DSC01804 DSC01818 DSC01824 DSC01832 DSC01844

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Sudan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Sudan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Sudan "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In