Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda caleemasaarka Caaqil Cabdiraxmaan Caaqil Diiriye Caaqil Samatar oo ka dhacday deegaanka dalxiiska ee Hidda-raac.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa u hambalyeeyay Caaqil Cabdiraxmaan Caaqil Diiriye, oo uu ku boggaadiyay inuu ahaa shakhsi marwalbo ka shaqeeya nabadda iyo horumarka, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.