Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe “SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu booqashada ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada Puntland Ciise Maxamuud Cumar, ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogteeyey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada ee Garoowe.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Feebaraayo 20. 2019 Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana kormeerka ku wehelinayey Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Madaxtooyada, iyagoo kormeerkooda uga gollahaa korjookteynta shaqada xafiisyada sida ay u socoto, Madaxweyne ku-xigeenku mid mid ayuu u galay xafiisyada waxaana uu shaqalaha ku booriyey shaqada adag ee ay hayaan”.Ayuu yiri kusimaha Agaasimaha xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

“Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto uga soo dhalaalaan shaqada muhiim ka ah ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba”. Ayu yiri Agaasimuhu

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo  

Next Post

Gaalkacyo: Howlgallo qorsheysan oo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab

Next Post
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”

Gaalkacyo: Howlgallo qorsheysan oo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In