Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir oo maalmahan Shir uga socday Garoowe.
Mas’uuliyiintan oo heer Agaasime ah ayaa Puntland u yimi aqoon kororsi la xiriira Hannaanka maamul Daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaana Shirkoodu uu qeyb ka yahay wax kala korarsiga iyo kala faa’ideysiga ku dhisan nidaamka Federaalka.