Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdule ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.
Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Xalada Dalka.