انالله وانا اليه راجعون
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u raxmadee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI) oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Hargeisa.
Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryay in uu janadii ka waraabiyo marxuumka, sidoo kalana waxa uu sheegay in uu xanuunka iyo murugada la qeyb sanayo ehelka, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu Abwaanku kabaxay.