Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay inuu go’aansaday hakinta tabarucaada Dawladda Mareykanku ay siiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
“Ururka Caafimaadka Adduunka WHO wuxuu lacag fara badan ka helaa Mareykanka, waxaanuna damacsannahay inaan joojino lacagaha aanu ku bixino qayb kamid ah hawlaha WHO ay hayso” ayuu yiri Trump.
Trump wuxuu si cad u weerarey ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), isagoo ku eedeeyey Ururka WHO inuu u janjeero dhinaca Shiinaha oo uu kasii jeestay xaaladaha cafimaad ee la xiriira CronaVirus ee ka jira gudaha dalkaasi Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Trump.